BBCVOA

Somali Links

Boocame
allbari
allpuntland
beerdhiga
Dailysomalia
halgan
Hiiraan
iqrapress
Jidbaale
puntlandpost
somaliweyn
Somaliweyn
somaliyouth
Widhwidh
xaadhadhan
xargaga

Home | Wararkii Hore | Photo | Maqaal | Sugaan | Music | Contact Us

Madaxweynaha Somalia Oo Golaha Amaanka Hor Dhigay Dalab Ciidan & In Cunaqabateynta Hubka La Qaado.

NEW YORK - Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf Axmed oo ka mid ah Madaxda ka qeybgalaysa fadhiga Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay, ayaa khudbad ku salaysan xaaladaha amaan, siyaasadeed iyo dib u heshiisin ee ka taagan Soomaaliya ka jeediyey fadhigaasi.

Khudbaddaasi ayaa Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay xilligan u baahan tahay taageerada beesha caalamka gaar ahaan jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa, isagoona ka codsaday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Qidoobay, si buu yiri ay u soo celiya amnigii iyo kala dambeyntii luntay ee ay Soomalaiya lahaan jirtay.


Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku adkeeyey Golaha Amaanka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo helo ciidamo nabad ilaalin ah oo taageero siiya Dowladda KMG ee wali aan si rasmi ah u hanan ammaanka dalka, dagaalana kula jirta kooxaha mucaaradka


"Beesha caalamka waa inay qaasaa talaabo ay ku badbaadinayso shacabka Soomaaliyeed ee mudada 18-ka sano ah la daalaa dhacaya colaad aan dhamaan" ayuu sidoo kale ku yiri khudbadiisa Col. Yuusuf.


Dhinaca kale, isagoo soo hadal qaaday cunaqabateynta xagga hubka ah ee sanadkii 1992-kii lagu soo rogay Soomaaliya, ayaa Madaxweyne c/laahi Yuusuf, waxaa uu ka dalbaday Golaha Amaanka ee jamciyadda qurumaha ka dhaxaysa in ay ka qaadaan cunuqabateyntaasi, isagoo codsigiisuna ku micneeyey in haddii ay taasi dhacdo ruqsad buuxda loo heli karo qalab Millitari ama hub dib loogu aasaasi karo ciidamadii xooga dalka Soomaaliya oo gacan ka geysan kara wax ka qabashada xaaladaha amaanka iyo dib u soo celinta amarkii iyo kala dambeyntii, ayuu khudbadiisa kusoo afmeeray Madaxweyne Yuusuf, oo xalay ka hadlayey fadhiga Golaha Amaanka.

Sarmaanyo News